Calendar

Madaxweyne Xasan sheikh oo maanta ka qayb galay caleema saarka madaxwaynaha Koonfur afrika

Sida ay ku soo Waramayaan Wararka naga soo gaaraya Dalka Koofur Afrika Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Somalia Xasan Sh Maxamuud ayaa xalay soo gaaraay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika iyadoo Garoonka diyaaradaha ay ku soo dhaweeyeen qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta Safaarada iyo Dowlada dalka Koonfur Afrkia iyo Jaaliyada Somaliyed ee ku nool Dalkaas.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa loo soo galbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Union Building ee Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrkia taa oo la filayo in uu maanta kaga qayb galo Caleema Saarka Madaxweynaha Konfur Afrkia Jakob Zuma oo markii labaad ku Guuleestay Xilka madaxweynaha Dalkaas iyadoo ay ka soo qayb gali doonaan Madax kala duwan oo ka socota Caalamka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa Caleema Saarka kadib in uu kulan la qaato Madaxweynaha Koonfur Afrika Jakob Zuma iyo qaar kamid ah jaaliyada Somaliyed ee dalka Koonfur Afrkia oo uu kala hadli doono dhibaaatada ay Somalidu kala kulanto Dalkaas iyo sidii loo dhowri lahaa Xaquuqda dadka Soomaaliyeed .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: