read more »">
Calendar

Dowlada Itoobiya oo daaha ka qaaday in aanay waxba u dhimaynin hanjabaadii ka soo yeertay Maamulka Magaalada Kismaayo.

siomBartamaha(Muqdisho):-Mr.Breket Simon afhayeenka dowlada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in xiligan aanay hanjabaada ka soo yeeraysa maamulada Islaamiyiinta ah aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin dalka Itoobiya.

Mr.Simon ayaa hadalkan ka jeediyay Magaalada Addis Ababa xilli uu kula hadlayay warfidiyeenada isagoo daboolka ka qaaday in Itoobiya aanay xiligan ciidamo u diraynin dalka soomaaliya isla ma’ahaantaana aanay ciidamadooda ku sugnayn meela ka mida dhulka soomaaliya.

Mr.Baraket Simon ayaa sheegay in aanay xiligan wax saamayn ah uga baqanynin in ay ku yeeshaan hanjabaada ka soo baxaysa dhanka mucaardaka dowlada ee haatan ka baqanaya in ciidamada Itoobiya ay so galaan dalka soomaaliya.

Afhayeenka dowlada Itoobiya Breket Simonayaa sheegay in xiligan aanay suurta gal ahayn in soomaaliya ay ciidamadooda galaan isagoo been abuur ku tilmaamay askartooda in ay galeen gudaha dalka soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay masuulkaasi dowlada Itoobiya afhayeenka u ah ayaa ku biiraya hadalo ilaa haatan meel loo saleeyo la weysnaa taasi oo ku aadan ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya iyo madaxda sare ee Dowlada itoobiya ay iska diidaan in ay ciidamadooda joogaan somaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: