Calendar

Hay’ada ICRC oo cuna qeybin ka samaysay Degmada Rabdhuure Ee Gobvolka Bakool.

rashimnBartamaha(Rabdhuure):-Hay’ada ICRC yaa maanta waxa ay raashin gaarsiisay qaar ka mida dadka ay abaaraha halis galiyeen Ee Gobolka Bakool oo dhawaanahan xaalad nolol xumo ay ka taagnayd.

Hay’da ICRC ayaa maanta waxa ay deeq raashin iyo dhar isugu jira u qeybisay dadka dagan miyiga iyo Magaalada Degmada Rabdhuure halkaasi oo dhibaato xagga Nolosha ah ay ka taagnayd.

Deeqda raashinka ah ayaa la sheegay in qeybinteeda ay qeyb ka ahaayeen Guddi dhawaan Maamulka Alshabaab uu u saaray soo qiimaynta xaalada abaaraha Gobolada Bay iyo Bakool.

Deeq qeybinta ayaa waxaa hadal ka jeediyay masuuliyiin ka mida Alshabaab Bakool iyo gudiga abaaraha kuwaasi oo ugu baaqay hay’adaha kale in ay gargaar la soo gaaraan bulshada deegaanadaasi

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: