Calendar

(VIDEO) Ma Ganacsibaa laga rabaa Mise Masjid baa loo danleeyahay?

capital-cafe

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay laysla dhex marayay warar kala duwan oo sababay in magaalada Columbus, Ohio waxa kaliya oo laga hadlo ay noqotay arrintan.

Todobaadkii nasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in  lakala iibsaday dhul weyn oo ganacsi iyo masjid isugu jira, dhulkaas oo ku yaal wadada Westerville una dhow xaafadda Capital Park oo ah xaafadda Soomaalida, haddaba iibku waa wax soo jireen ah oo ka mid ah ganacsiga adduunka laakiin waxa arrintan cirka ku shareeriyay in dhulkan la iibsaday uu ka mid ahaa meel masjid ah oo ay ku tu kadaan dad gaaraya ilaa 400 oo qof.

Masjid Salaama

 

Masjidka waxaa la yiraahdaa Masjid Salaama waxaana ku xiran dad aad u fara badan inkastoo dhowaan la dhisay, Khudbadaha laga soo jeediyo Masjid Salaama waa kuwo had iyo goor ka hadla dhibaatooyinka maanta taagan. Khudbadahan oo noqday kuwo dad fara badani ay dhagaystaan waxay sababtay in  dad fara badani kasoo wareegeen masjid kale oo ku yaala wadada Mock Rd oo la dhaho Masjid Ib Taymiyah, waxaa kaloo sabab u ah kasoo wareegitaankaas in Masjid Salaama uu u dhow yahay xaafadaha iyo ganacsiyada Soomaalida ee ku yaal waqooyiga Columbus.

Dadweynaha Columbus aad ayay u jecel yihiin Masjidkan waxaana ka garan kartaa sida loosoo buuxiyo maalin walba. Khudbadaha Jimcahana marka ay dadku kasoo baxaan ayay dib uga sheekaystaan arrimaha laga hadlayay taasna waxay muujinaysaa in dadka maankooda ay weli ku jirto khudbadii maalin saddexaad.

Dhulka uu ku fadhiyo masjidka iyo ganacsiyada kale waxaa iska leh nin carab ah laakiin waxaa ka kiraystay nin Soomaali ah oo la yiraahdo Maxamuud Garamgaram isagaana ah (Sub-Lease) oo kirooyinka ka qaata dadka ganacsiyadu ay u furan yihiin.

Sida Wax u Dhaceen

 

Nin ka tirsan maamulka Masjid Ibn Taymiya oo lagu magacaabo Maxamed Xasan ayaa wuxuu Sub-Lease-kii kala wareegay sida uu noo sheegay  Maxamuud Ibraahim Garamgaram si uu isagu uga faaiido kirooyinka kasoo baxa dhulkan oo ay ku yaalaan Cafe Shop, Maktabad Islaami ah, Xafiisyo, Meel Aroosyada lagu dhigo iyo meel baabuurta waaweyn (taraagyada) lagu xareeyo.

Maamulka Masjid Salaama waxay noo sheegeen in Maxamed Xasan uu u dan leeyahay kaliya la wareegitaanka Masjid Salaama maxaa yeelay arrintani waxay soo socotay ilaa iyo muddo gaaraysa 7 bilood, Odayaal Soomaaliyeed ayaa ku jiray arrintan Masjid Salaama iyo Masjid Ibn Taymiyah sida aannu ka war hayno.

Sida naloo soo sheegay muddo gaaraysa laba bilood ka hor ayaa Maxamed Xasan waxaa u tagay 4 oday oo dhexdhexaadin u socda markaasna waxaa jirtay arrin ah in Masjid Salaama lala wareego ama la iibsado wuxuuna u sheegay inuu doonayo kaliya Masjidka Salaama.

Halkan ka daawo Khudbad faahfaahin ah uu soo jeediyay Mahdi Warsame habeenkii talaadada taariikhduna ahayd 30kii Juunyo 2009.

Waraysi aan ka qaadnay Maxamed Xasan ayaa sheegaya inuu doonayo kaliya siduu dhulkan weyn uga faaiidaysan lahaa wuxuuna noo sheegay inuusan daba taagnayn maamulka Masjid Salaama ee uu yahay kaliya nin raba inuu ka faaiido ganacsigan hadda uu gatay. Isaga kaliya maahan ayuu yiri oo waxaa igu weheliya dad kale oo ganacsadayaal ah.

Halkan ka dhagayso Waraysigii Shiikh Maxamed Xasan oo aan ka qaadnay 1dii Luulyo 2009

Mala Iibsaday Dhulkan?

Waxaan weydiinay Maxamuud Garamgaram oo ah mulkiilaha dhulkan carabka ka kiraysatay sida wax loo kala gatay, wuxuu ku jawaabay ” Wax la kala gatay ma jiraan, waxaad maqlaysaanna waa wararka  beenta ah ee magaalada laysla dhex marayo” , laakiin sida uu noo sheegay qof xog ogaal ah oo arkay Warqadihii wax lagu kala iibsaday oo Notary garaysan ayaa isaguna noo caddeeyay in dhulka 10 sano la kala saxiixday oo Maxamed Xasan uu ku qoran yahay.
Inkastoo wararka nasoo gaaraya ay fara badan yihiin waxaan mar labaad wacnay Maxamuud Garamgaram isagoo noo ballan qaaday inuu nasiin doono waraysi, waxaana ii hadli doona ayuu yiri qof wakiil ii ah. Taleefan ayaan ku wacnay Maxamuud maalintii jimcaha ahayd oo taariikhdu ahayd Luulyo 3deedii wuxuuna yiri laba maalmood kadib ayaan idin siinayaa waraysi laakiin hadda arrintani hakala dagto.

Habeenkii Talaadada oo bisha Juunyo ahayd 30 waxaa kale oo Masjid Salaama ka hadlay Shiikh C/raxmaan Dabcasar oo isaguna taataabtay dhibaatooyin horay u jiray oo isaga iyo wadaado kale ku dhacay

Halkan ka daawo Shiikh C/raxman Dabcasar oo ka waramaya qisooyin isaga ku dhacay iyo dad kale

Maamulka Masjid Salaama waxay ii sheegeen inaysan doonayn in arrintan la gaarsiiyo heer xun,  mana ay rabaan inay qareemo iyo howlo kale galaan, dhanka kalena Maxamed Xasan wuxuu ii sheegay in arrintani aysan qusayn Masjid taymiyah ee ay tahay mid isaga kaliya ku kooban. Laakiin arrintan wixii ka jira way soo if bixi doonaan mustaqbalka dhow.

WQ/ Bartamaha Staff
Wixii warar ah oo arrintan kusoo kordha halkan kala xiriir.
Bartamaha wararka Soomaaliyeed | www.BARTAMAHA.COM

Comments

comments

Category : Ohio, VIDEOS, Wararka Maanta, Waraysi [ INTERVIEWS ].
« »

Comment: