Calendar

Ra’isul-wasaaraha Oo Kulan Laqaatay Safiirka Midowga Africa Ufadhiyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maxamed Saalax Anaadif iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee Amisom.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay wakiilka ayaa waxaa diirada lagu saarayey arrimaha amniga iyo horumarada ay ka sameeyeen ciidanka Amisom iyo kuwa dowladda dagaalka ay kula jiraan kooxda xag-jirka ah ee Alshabab.
Markii uu soo idlaaday kulanku waxaa saxafada si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiil Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay midowga Africa oo maalmo ka dib u dabaal dagaya 50 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo asaasay midowga Africa, Soomaaliya waxay hormuud ka ahayd wadamadii asaasay Midowga Africa. Waxaan leeyahay hambalyo waxaan ururka ka rajaynayaa inuu sii xoojiyo sidii loo heli lahaa Africa oo gaarta horumar dhab ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay inuu u mahadcelinayo wadamada Africa ee ciidamadu ka joogaa Soomaaliya.

Wakiil Midoga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay sida ay uga go’antahay Midowga Africa sidii uu qayb libaax uga qaadan lahaa sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

“Midowga Africa waxay u dabaal dagayaan 50 guuradii ka soo wareegtay asaaskii midowga Africa, waxaana muqdisho u imid inaan dadka Soomaaliya kala qayb qaato dabaal daga Ururka, waxaana muqdisho barito lagu qabanayaa xaflad balaaran” ayuu yiri wakiil midowga Africa oo dhanka kale sheegay in ay Ra’iisul Wasaaraha ka wada hadleen horumarada ay sameeyeen mudooyinkii danbe ciidanka Soomaaliya iyo kuwo AMISOM.

Magalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa 25 bishaan ku kulmaya madxweynayaasha wadamada afirca iyagoona u dabaal dagaya 50 guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay midowga Africa, waxaana lagu wadaa in madaxweynayaasha Afirca shirkooda ay diirada ku saraan arrimaha Soomaaliya.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : First Look, Ohio, Wararka Maanta.
« »

Comment: