Tuesday, March 31, 2015

Maamulka ahlu sunna oo cambaareeyey weerarka Hotel Makka Al-Mukarama ee Muqdisho

ahlu sunna

Galgaduud(Bartamaha) Ahlu sunna ayaa cambeereeyey  weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho oo uu xiligan ka socdo dagaal goos goos oo dhexmaraya kooxda Hotelka qabsatay iyo Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha fulinta ahlu sunna waljamaaca Macallin Maxamed Axmed  ayaa cambaareeyey weerarka qorsheysan ee AL-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha golaha fulinta Maamulka ahlu sunna ayaa ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya iney xaqiijiso amniga  Hotelada magaalada Muqdisho ee caasimadda  dalka Soomaaliya,Macalin Maxamed Axmed ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii ku dhintay weerarka Hotel Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Macallin Maxamed Axmed Gudoomiyaha golaha talada ahlu sunna ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney u midoobaan la dagaalanka Al-shabaab oo uu sheegay iney caadeysteen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

 

Guriceel Bartamaha

Comments

comments

You may also like

0 comments

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc