Calendar

Maamulka Xizbul Islaam Ee Degmada Luuq oo ka hadlay Dagalo beeleedyo ka dhacay duleedka Degmadaasi.

xizbul sialBartamaha(Luuq):-Maamulka Xizbul Islaam Degmada Luuq aya shaaca ka qaaday in ay kala dhex galeen maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamayay duleedka Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo.

Sheekh Xasan Aadan Maxamed madaxa Ammaanka Xizbul  Islaam ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamo kala dhexdhigeen maleeshiyaadka ku dagaalamayay duleedka Luuq.

Masuulkaasia ayaa sheegay in dagaalka 2-qof ay ku dhinteen 8-kalana ay dhaawac ka soo gaartay oo qaar ay yihiin Ciidamada Xizbul Islaam xilliga ay joojinayeen dagaalka beelaha.

Sargaalkaasi ayaa intaasi ku daray in ay qabteen qaar ka mida abaabulayaasha dagaal beeledka islamarkaana ay haatan hayaan Xizbul Islaam.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Ciidamada Xizbul Islaam ay dagaalka qeyb ka noqdeen ka dib markii labada dhinac ay ka diideen rasaas joojin wallow awood ay ku kala dhexgaleen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: