Calendar

Macalin Xaashi “Waan isku qarxinaynaa haddii aan la xerin dhammaan Xafiisyada Universal…”

universaltv1Bartamaha(Muqdisho):-Xizbul Islaam ayaa hanjabaad toos ah u jeedisay Universal TV oo ay sheegeen in ay ku dhaceen Gaalnimo muuqata talaabna ay ka qaadayaan.

Macali Xaashi Maxamed Faarax Gudoomiyaha Kooxda Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in ay weerar toos ah ku qaadayaan Universal Xafiisyadooda Soomaaliya haddii aan si toos ah loo xerin.

Macalin Xaashi waxa uu ku baaqay in la xero Xafiisyada isagoo ku goodiyay in ay isku qarxinayaan haddii aan la xerin Xafiisyada ku yaala Hargaysa,Muqdisho iyo deegaanada kale.

 “Waan isku qarxinaynaa haddii aan la xerin dhammaan Xafiisyada Universal… Mujaahidiinta way joogaan meel walba  waana beegsanaynaa xafiisyada haddii aan la xerin illaa amar dambe..” ayuu si cara leh u yiri Macalin Xaashi.

Hanjabaada Macalin Xaashi ayaa imaanaysa xilli Alshabaab ay Riddo ama gaalnimo ku tilmaameen warkii ka baxay Universal oo laga soo diray K/Afrika wallow maasuuliyiinta ugu saraysa ay cudur daar ka bixiyeen  warkaasi oo si qaldan in loo tarjimay ay sheegeen.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: