Calendar

Madaxweynaha dowlada Puntland oo siweyn loogu soo dhoweeyay Bosaaso (sawirro)

Bosaso_ Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Soo dhoweyn diiran kala kulmay dadweynaha Kunool degmooyinka Waaciye,Carmo Iyo Bosaso oo ka tirsan Gobolada Bari Iyo Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas oo dhowaan bilaabay safaro iyo booqashooyin uu ku tagayo deegaanada Puntland,waxaana maanta si weyn loogu soo dhoweeyey degmooyinka Waaciye,Carmo iyo Bosaso.

Madaxweynaha ayaa la hadlay dhamaan dadweynaha uu kusoo maray Waaciye iyo Carmo, wuxuuna uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay ugu muujiyeen soo dhoweynta qiimaha badan.

Dadweynaha Waaciye iyo Carmo ayaa wadiga madaxweynaha usoo bandhigay bahiyo kala duwan oo dhinaca arrimaha bulshada ah kuwaasi oo ka jira degmooyinkaasi, wuxuna Madaxweyne Gaas tilmaamay in dowladdiisu ay  qaban doonto wixii awoodeeda ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa sidoo kale soo dhoweyn aad u weyn kala kulmay shacabka ku nool magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, iyadoo dadweynuhu ay taagnaayeen hareeraha wadooyinka magalada Bosaso oo dhan.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha iyo Wefdigiisa ay ilaalinayeen Ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo diyaaradaha dagaalka ,kuwaas oo gaaf wareegayey hawada Sare ee magaaladda Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadlay aqalka Madaxtooyada Bosaso ayaa u mahad celiyay dhamaan shacabka Bosaso, isagoona sheegay inay jiri doonaan kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo bulshada Bosaso.

-DHAMAAD-

640x426xDSC_3242.jpg.pagespeed.ic.mcRqw6sj3B 640x426xDSC_3245.jpg.pagespeed.ic.vP8XMkgF3z 640x426xDSC_3247.jpg.pagespeed.ic.DM0f2LFIqP 640x426xDSC_3253.jpg.pagespeed.ic.EAKmeaDyuH 640x426xDSC_3257.jpg.pagespeed.ic.poZ1kYCLEg 640x426xDSC_3259.jpg.pagespeed.ic.9EPU7I8UyW 640x426xDSC_3260.jpg.pagespeed.ic.tHKBzw7nlY 640x426xDSC_3262.jpg.pagespeed.ic.v6LyvU4zG9 640x426xDSC_3268.jpg.pagespeed.ic.X-9U0oQcAG 640x426xDSC_3271.jpg.pagespeed.ic.tThkKsXL63 640x426xDSC_3279.jpg.pagespeed.ic.SrZMuriz3I 640x426xDSC_3286.jpg.pagespeed.ic.XuYWDl2wLW 640x426xDSC_3801.jpg.pagespeed.ic.igPbkeyri8 640x426xDSC_32401.jpg.pagespeed.ic.GT08JkJqWI

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: