Calendar

Madaxweyne Cabdiweli oo maanta ku wajahan Boosaso

Bosaso_ Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la filayaa inuu soo gaaray magaalada Gnacsiga Puntland ee Bosaso.

Madaxweynaha oo waa berigii saaka kasoo ambabaxay magaalada Qardho ayaa kusoo nastay degmada Waaciyo, halkaasi oo martiqaad  loogu sameeyay , uuna kula hadlay dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa lafilayaa inuu soo gaaro goordhow degmada Carmo halkaasi oo uu ku hakan doono, uuna kula hadli doona Bulshada degmada oo soo dhowayn ballaaran usameeyay.

Magaalada Bosaso aya laga dareemaya Qaban qaabo ballaaran oo loogu jiro soo dhowaynta madaxweynaha, waxaana la arkayaa dad aad ufarbadan oo kusugan waddooyinka magaalada,

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu saacadaha soo aadan soo gaaro magaalada Bosaso, waxaana soo dhowayntoda aad usugaya bulshada kunool deeganada Pl.

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: