Calendar

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo kaqaygalay shirweyne Garoowe uga furmay Dalada PUNSA (sawirro)

Garowe _ Dalada ururada aan Dowliga ahyn ee PUNSA ayaa waxa maanta uu shirweynihii afraad oo lagusoo dooranayo madaxda sare ee Dalada uu uga furmay magaalada Garowe.

Munasabada furitaanka shirweynaha afraad ee PUNSA oo ka dhacay Hotelka New REYS ee Garowe ayaa waxaa kaqaybgalay madaxd katirsan Puntland oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka Cabdxakiin Cabdullahi Xaaji Cumar (Camey).

Dadka kahadlay kullanka ayaa si ballaarn uwada gorfeeyay hawlaha shaqo ee Dalada, iyo sidii horay loogusi wadi lahaa taabagelinta ujeedada loo Aas aasaay PUNSA.

Guddomiyaha Dalada PUNSA Nuur Maxamed Nuur oo furitaanka shirka hadlay ayaa siqota dheer uga sheekeyay waxqabadka Dalada tan iyo markii la Unkay, waxaana uu sheegay in PUNSA ay dowr kaqadatay wax uqabasahada bulshada sida Haweenka, Dhalinyarada, Culimada iyo ganacsatada.

Guddomiyaha PUNSA ayaa intaasi raaciyay in Daladu ay xooga saartay sidii looga gudbi lahaa nidaamka Qaba,ilka loona wajihi laha Nidaam Dimuqradiyaded, isagoona xusay inay ku dadaaleen Sidii Haweenka iyo Dhalinyarada looga qaybgelin lahaa Siyaasada dalka.

Madaxweyne Ku xigeenka Dowlada Puntland Cabdixakiin Cabdullahi Cumar Camey oo kahadley Shirka ayaa Dalada PUNSA ku Amaanay dowrka ay kaqadatay Xiligii lagu guda jiray arrimaha doorashoyinka.

Madaxweyne Kuxigenka ayaa tilmamay in ka xukuumad ahaan ay doonayaan inay xiriir wada shaqayneed lasameeyaan Dalada PUNSA si ay isugu  dhowadan bulshada iyo dowladu.

Gabagabad shirka ayaa lagu dooran doonaa Hogaanka sare ee ururka, maadama oo wakhtigu ka dhamaaday, waxaana Daladani Lahirgeliyay Sanadkii 2008 – dii.

PUNSAA-450x342109-450x342139-450x342910-450x3421211-450x342Camey-450x342164-450x342146-450x342

www.Bartamaha.com

Xafiiska Puntland

 

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: