Calendar

Madaxweyne & R. Wasaare is haysta: Ma 2008-da ayaan joogaa maanta?

aminarts may Sawirka:  Amin Camir oo mar kasta sawiradiisa ku muujiya siyaasadda soo noqnoqota ee Soomaaliya ayaa cabiraya maanta halkaan joogno

Bartamaha — Waxaad mooddaa inta seexday xalayto  oo aan hurdada ka kacay Diseembar 2008-da, waxaana is haysta Raiisal Wasaare & Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa raba inuu ceyriyo Raiisal Wasaaraha, laakiin Raiisal wasaaruhu dooni maayo inuu iska baxo oo wuxuu leeyahay sharcigii aan kuwada soconay ayaad garab maraysaa saaxiib ee aniguna diiday oo bixi maayo.

Madaxwenaha marka waxaa u banaan hal fursad kaliya ayaa laga yaabaa, wuxuu wici karaa Amisom oo uu oran karaa ninkan sawirkiisa aan idiin dhiibayo hadda xoog halooga saaro xafiiskiisa, furahana ii keena. Raiisal wasaarahana waxaa u banaan ayaad is oran kartaa inuu asxaabtiisa (Wasiiradiisa & ragga uu baarlamaanka ka leeyahay) uu soo safo kuna yiraahdo madaxweynaha waa inoo iyo Baarlamaanka.

Haddaba Soomaaliyeey arrintan aad moodo DEJA VU ama Groundhog Day sida ingiriisku ay u yaqaanaan, luuqaddeena hooyana aan dhahno soo noqonoqoto maxaad ka leedihiin? Yaan xafiiskiisa ku daynaa yaanse boorsooyinkiisa u laalaabnaa? Mise fikir kaala jira!.

Hoos ku qora fikirkiina.


Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Maqaallo / Articles, Wararka Maanta.
« »

Comment: