Calendar

Part 1 & 2 Miisaanka Maansada : Yaa qoraal dadweynaha ku dhex faafay lahaa? Yaa qoraal buug dhamaystiran ah soo hor saaray?

caraale_iyo_gaariyeTani waa doodii miisaanka maansada bilaabideedii, faafinteedii iyo helideeda ee dhexmartay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac(Gaarriye) iyo Professor Cabdilaahi Diiriye Guuleed(Carraale).

Doodu waxay ka dhacday Oslo, Norway, 2008. Arrinta weli taalaa waa in la kala garto qofka ku horreeyey qoraal faafa iyo qofka hor helay miisaanka
maansada. Gaarriye Xiddigta Oktoobar ayuu Janaweri, 1976 ku faafiyey qoraal miisaanka maansada la xidhiidha oo gaaray dadweynaha. Carraale 1975 ayuu dhamaystiray buugii “Gorfeynta Gabayga”. Buugaa oo teeb lagu garaacay ayaa Jaamacadda Ummadu ka iibsatay Carraale, sida dadkii xog ogaalka ahaa ee Jaamacadda Ummada xilligaa
ku sugnaa qirayaan.

Daawo dooda labada aqoonyahan. Bartamuhu waxay mahad weyn u celinayaan Bare Sare Cabdillaahi Diiriye Guuleed(Carraale) oo dooda muuqaalka
ah na soo gaadhsiiyey. Qaybaha dambe ee doodan dib ayaan idiinku soo gubin doonaa.
Part 2

Part 1

Comments

comments

Category : Featured, VIDEOS and tagged .
« »

Comment: