Calendar

Nin Caseeye ah oo gaaray iIaa xul qaran, Eeney waxuu arkaa mustaqbal wanaagan

145Magaciisa oo buuxa waa Aadan Xuseen Ibraahim, waxaana lagu naaneesaa Eeney, wuxuuna  ku dhashay degmada Waajid ee gobalka Bakool, sanadku markuu ahaa 1993-kii. Wax ehel iyo qaraabo ahna uma joogaan magaalada Muqdisho.

Waxaa uu Muqdisho soo galay isagoo jira toban (10) sano, si uu u raadsado nolol u dhaanta tii Waajid, waalidikiisna ugu shaqeeyo. Eeney waxa uu durbaba bilaabay shaqada kaba dhaaalinta maadaama wax kale oo uu qaban karay aanay jirin.

Waxaa uu tagay xaafada Geed Jacayl ee degmada Wardhiigley waxaana uu halkaa ka bilaabay shaqada kaba dhalaalinta, xaga raashinka waxaa gacan qabtay nin oday ah oo xaafada degan oo la yiraahdo Cabdi Siciid, wixii uu shaqadiisa ka helana waxaa uu u diri jiray hooyadiis oo ku nool Waajid.

Eenay waxa uu sheegay in maalin maalmaha ka mid ah isagoo caruur yar yar banooni kula cayaarayay meel jid cadde ah uu soo ag maray guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo cabaar markii uu daawaday kadib kasoo degay gaarigiisii  lana sheekeystay Eeney.

“Guddoomiyuhu waxaa uu ii sheegay in aan ka mid noqonayo mashruuca tababarka dhalinyarada kubada cagta ee FIFA ay maal geliso, muddo bilo ah kaddibna waxaa la iga mid dhigay xulka dhalinyarada da’doodu ka yartahay 17-ka sanadood” ayuu yiri Eeney.

“Markii hore waxaan ahaa caseeye, hadana waxaan ku jiraa xulka qaranka, uma maleynaayo in aan noloshii caseeyenimada dib ugu laaban doono, waxaana qabaa rajo weyn mustaqbal wanaagsan oo kubada cagta ah ayaana ii muuqda” ayuu Eeney hadalkiisa sii daba dhigay.

last_2

Wuxuu si weyn ugu mahad celiyay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Siciid Mugaabe oo kasoo saaray noloshii kaba dhalaalinta iyo odayga Cabdi Siciid ah ee uu hoygiisa ka raashimeeyo.

“Waligey ma aanan fileyn in aan diyaarad kori doono, laakin hada waan koray anigoo waliba sidda calanka Soomaaliya , matalayana dalkeyga” ayuu Eeney u yiri si farxad leh.

Cayaaryahanka da’da yar Aadan Xuseen Ibraahim oo lagu naaneeso Eeney waxaa uu hada ku sugan yahay magaalada Khartuum ee dalka Sudan oo xulka qaranka U-17 ee Soomaaliya ay kaga qeyb galayaan cayaaraha bariga iyo bartamaha Africa.

Xigashadii: Somali Football Media Department

Tifatiridii: Abdirahman Mukhtar

Sawirada: Ciyaartoy Eeney oo sawirka hore kabo casaynaya, sawirka hoosena xiran maaliyada da’yarta xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.



Comments

comments

Category : Featured, Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: