Calendar

Muqdisho oo Saaka dagan ka dib dagaal iyo duqeyn Xalay ka dhacday Caasimada.

muqdBartamaha(Muqdisho):-Xaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib dagaal iyo duqeyn Xalay saqdii dhexe ka dhacday xaafado ka  mida Magaalada Muqdisho taasi oo qasaara dhalisay.

Dagaalka ayaa waxa uu Xalay ka bilowday Wadada Warshadaha markii Islaamiyiinta Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Amisom dhismaha Jaale Siyaad halkaais oo dagaal qaraar uu ka dhacay.

Weerarka lagu qaaday dhismaha Kuliyadii Jaale Siyaad ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac gaartay dhinacyada weerark soo qaaday iyo dad shacab ah markii madaafiic badan lagu garaacay xaafadaha Dayniile iyo Gubta.

Xiliga dagaalka uu dhacay oo ahayd abaara 11:00-habeenimo ayaa waxaa mar kaliya laga maqlay madaafiic suuqa Bakaaraha iyo hareerihiisa xiligaasi oo weerar kale ay Mucaaradka ku qaadeen saldhigyada Amisom wadada Makka Al Mukarama.

Weerarka lagu qaaday fariisinida Amisom ayaa waxa uu dhaliyay madaafiic badan oo lagu garaaco goobaha ay shacabka daganyihiin gudaha Magaalada Muqdisho taasi oo dad badan sababtay in ay dhintaan.

Gawaarida gurmadka ayaa waxa ay qaadeen in ka badan 5-qof oo dhaawac ah kuwaasi oo madaafiic ay kula dheceen Dayniile iyo Bakaaraha ka dib markii dagaalka uu ka dhacay saldhigyada Amisom.

Xaalada ayaa saaka ah mid iska dagan iyadoo aanay jirin wax dagaal ah oo ka socanaya magaalada gudaheeda

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: