Calendar

Naadigii Waxool oo maanta dib loo soo nooleeyay (Daawo Sawirada).

wo

Bartamaha(Muqdisho):-Munaasabad balaaran oo maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dib loogu soo nooleeyay Kooxdii Waxool oo xili ka dhex muuqatay Sportska Soomaaliya.

Wasaarada Sports-ka iyo Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa maanta iska kaashaday sidii loo dhiiri galin lahaa Koox dhalinyara ah oo qaadatay magaca Waxool in ay dib u soo celiyaan.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabay Kooxdii Waxool Ee hoostagi jirtay Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Wasiirka dhalinyarada iyo Sprtska Dowlada Soomaaliya Saleemaan Colaad Rooble iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Abuukar Mardaadi ayaa abaal marino dhiiri galin ah gudoonsiiyay Naadigasi Waxool.

Labadaasi wasiir ayaa waxa ay balan ku qaadeen in ay la shaqeynayaan Kooxdaasi islamarkaana ay xilli waliba dhiiri galin doonaan iyagoo maanta abaal marino gudoonsiiyay Naadiga cusub Ee Waxool.

woxool

waxol

was

waxoll

kox

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Sports, Wararka Maanta.
« »

Comment: