Calendar

Qarax Bam oo Caawa ka dhacay Gudaha Degmada Waabari.

bamBartamaha(Muqdisho):-Kooxo aan la aqoon ayaa Cawa Bam gacmeed ku weeraray Ciidamada Dowlada ee dagan Wadada Makka Al Mukarama Muqdisho halkaasi oo dad ay ku dileen Ciidamada ka dib qaraxa dhacay Caawa.

Koox Bistoolado ku hubaysan ayaa Caawa Bam gacmeed ku weeraray Ciidamada Dowlada ee dagan Xaafad ka mida Degmada Waabari gaar ahaan wadada Makka Al Mukarama halkaasi oo qasaara uu ka dhashay.

Qaraxa ayaa waxa uu ku dhacay goob ay joogeen Askarta Dowlada waxaana la sheegayaa in uu qasaara gaaray Ciidamada Bamka lagu weeraray wallow taasi ay dhalisay qalqal dhanka ammaanka ah oo Caawa hareeyay guud ahaan Degmadaasi.

Askarta la qarxiyay waxa ay dileen Laba dhalinyara ah oo ay ku sheegeen kuwii qaraxa ka dambeeyay markii Ciidamada ay ku faafeen Degmada Waabari guud ahaan si ay u baacsadaan Kooxda Qaraxa fulisay oo wiil dhalinyara ah ku dhaawacday gudaha Degmadaasi markii qaraxa ay tuureen ka dib.

Qaraxa Caawa ka dhacay gudaha Degmada Waabari ayaa imaanaya xilli Maanta Ciidanka Dowlada ay dad ka qabqabteen gudaha Degmadaasi kuwaasi oo lagu sheegay in ay ahaayeen Islaamiyiinta Dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: