Calendar

Wasiirka Maaliyadda oo ku daalay dabasocodka Madaxweyne Shariif (Video)

waan daaloo
Bartamaha — Asluubta ayaa ku jirta in hadaad madax tahay aad iska ilaaliso khaladaadka marka camera-da lagaa duubayo.

Wasirka Maaliyadda Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan oo dadkoo dhammi ay is weydiiyaan muxuu mar walba ula taagan yahay Madaxeweynaha, meel kastana ula socdaa?, ayaa waxaa ka muuqata inuu daalan yahay.

Sida ka muuqata Shariif Xasan Sheekh Adan wuu daalan yahay, surweelka ayuu ku hagaajisanayaa iyadoo ay daawanayaan Soomaalida adduunka oo dhan, haddaba talooyin dhowr ah ayaa nala haboonaatay inuu sameeyo hadday dhacdo tan oo kale:

1- Surweelka ka dhacdhacaya waxaa haboonayd inuu video-ga ka baxo oo uu meel kale intuu tago uu soo toosisto surweelka, markaas kadib uu soo noqdo istaagana dhinaca Madaxweynaha.
2- Hamaansiga waxaa ku fiican in afka gacanta la saarto (Diintuna sidaas ayay sheegaysaa, aadaabtuna ku wacan tahay)
3- Wuu iska fariisan karaa oo hadduusan khudbadda jeedinayn isagu wuu iska nasan karaa, halkaas ayuu ku heli karaa daqiiqado nasniin ah.
4-  Wasiirku Hoteelka ayuu iska joogi karaa oo wuxuu qaadan karaa hurdo yara, markuu soo nastana wuxuu imaan karaa madasha dadka lagula kulmayo markaas ayuu soo dhinac istaagi karaa Madaxweynaha.
5- Safarka badan daal ayuu keenaa, haddii safar Ingriiska loo aadayo Wasiirku Xamar ayuu iska joogi karaa safarkan oo kan soo xiga ee Qatar la aadayo ayuu raaci karaa isagoo si fiican u nastay.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa fiican in Madaxweynenimada loo dhaafo Shiikh Shariif, Video-gana waxaa ka muuqanaysa Shiikh Shariif aragti Madaxweynenimo oo wuu ka adag yahay kursiga, Mise Wasiirku waxbuu iska ilaalinayaa oo meel walba uusan uga harayn Madaxweynaha?.

Daawo

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Comedy, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: