read more »">
Calendar

Conan O’brien oo ka Tegay The Tonight show

conanLabaatan (20) sano buu u shaqaynayey NBC Conan O’Brien wuxuu ka bilaabay Qoraa uu ka ahaa Showga caanka ah ee la yaqaan SNL (Saturday Night Live) wuxuu markii danbe u soo wareegay in uu qabto Late Night Show kaas oo uu hayey in ka badan 11 sano.

Mowqiifka uu u joogay Late night Show ga waxay hayd oo kaliya in uu uga sii gudbo The Tonight Show oo ah  showga ugu caansan ee xaga qoslka iyo cawayska Tv yada Maraykanka kaas oo loo dhiibo rag ku ah Ruugcadaa xaga fanka iyo madadaalada.

conan_obrien

Conan Late Night Show

wuxuu Conan soo galgalshaba 4 sano ka hor buu ka dalbaday madax NBC oo ha kanaalka uu ka soo daayo shoga in badan u shaqaynayey in ay ku wareejiyaan booska nin ka Jay Leno oo in doora soowaday Show ga.

Codsigii uu soo gudbiyey waa laga yelay wuxuuna bilaabay shaqadisii sanadkii an soo dhaafnay 2009 oo loo wareejiyey Leno sacad kale isagan la siiyey booskii uu 20 ka sano sugayey lakiin nasiib daro waxaa 7 bilood ka dib waxaa Conan lagu kalifay in uu Jay u celiyo Showgisii markii ay Jay showgiisii kala socon wayey oo cid daawata la waayey.

nbc

NBC Network

waxay goosteen madaxii NBC in ay shaxda Barnaamijyada wax ka badalaan Conan kama uu helin arintaa cusub ee loo soo bandhigay wuxuuna goostay in uu faraha kala baxo NBC oo dhan taas oo ku kaliftay NBC in ay sii so lacag garaysa $40 milyan Dollar oo ah kaantaraagii la kala saxeextay in ay jebiyeen.

Conan in kasta oo uu waayey booskiisii hadan khasaare muu joogo oo wuxuu helay lacag aan caadi ahayan isagoon rajadiisu xumayan oo ay dhalin yaradu aad ugu xidhan yihiin oo ay network ayad kale rabaan in uu iyaga u soo wareego oo ay ku xumeeyaan NBC.

lakiin siday ay sheegayaan dadka u dhuun daloola arintan Conan waxay sheegayaan in aanu ka shaqayan karin Network yada kale mudo dhan 7 bilood oo ay NBC kula shuruudantay wuxuu xalay soo daayey Showgisii ugu danbeyey ee Tonight Show.

Ilaa iyo haatana NBC qof kale uma magcaabin booskiisa cidii buuxin lahayd lakiin waxay sheegeen in Jay Leno uu soo laabanayo Bisha 3 oo uu Tonight Show ga wadi doono.

Dad badan oo jeclaa Showga Conan baa aad uga xumaaday oo aan xitaa aniga ka mid ahaa aniga oo aad u la socon jiray Conan iyo Fun kiisa waxaan rajaynayaa in uu show gii uu hogaamin jiray oo kale laga siiyo Kanaalada aad ka u raadinaya in uu la shaqeeyo oo aan sii daawano barnaamijyadiisii xiisa alahaa ee ay isaga iyo kooxdiisu isku soo duba ridi jireen.

M. Treek (wiilwaal)

[email protected]

Conan O’brien
oo ka Tegay
The Tonight s

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Comedy, Featured, First Look, Madadaalo | Entertainment, The Story, Wararka Maanta, World News.
« »

Comment: