Calendar

Shabaab oo Meydadkii Amisom u kala Qaaday Jowhar, Balcad iyo Afgooye

al-shabaabMuqdisho (RBC) Xarakada Shabaab ayaa maanta bilawday in meydadkii ciidamada Amisom ee shalay ay ku soo bandhigeen deegaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho ay u kala qaadaan gobolada kale ee ay maamulaan si ay dadka u tusaan.

Gawaari ay leeyihiin Shabaabka ayaa saaka meydadka askarta Amisom waxay u kala qaadeen deegaanada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe halkaasoo ay dadka ugu baaqeen inay isu soo baxaan.

Meelaha saak meydadka Amisom la geeyey waxaa ka mid ah degmada Jowhar oo saaka fagaare ku yaalla lagu soo bandhigay hal askari oo meyd ah, waxaana magaalada dhexdeeda saaka ku wareegayey gaari ay ku rakiban yihiin codbaahiyaal dadka loogu sheegayo inay isu soo baxaan. Waxaana meydka la dhigay bartamaha magaalada oo haween iyo carruur isugu yimaadeen.

Qof goobjoge ah ayaa RBC Radio u sheegay in markii dadk y isu bexeen saraakiisha Shabaab ay dadka ugu baaqeen inay keenaan dhalinyaro dagaalka ay ugu magac dareen ‘JIHAADKA’ kala qeybgasha taasoo naxdin ku abuurtay dhalinyaradii meesha joogtay oo durba bilaabay inay kala dhuuntaan si degdeg ah.

Sidoo kale degmada Balcad oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe ayaa saaka la geeyey hal askari oo meyd ah kaasoo lagu waday baabuur tikniko ah oo ay leeyihiin Shabaabka, waxaana dadka reer Balcad Shabaabka ka codsadeen inay dagaalka kala qeybgalaan.

Dhinaca kale deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa la geeyey dhowr askari oo meyd ah kuwaasoo la soo dhigay bartamaha deegaanka Ceelasha biyaha halkaasoo dad u badan haween iyo dhalinyaro loogu soo bandhigay oo ay jiidjiidayeen. Waxaana meydadkaasi qaarkood isla maanta loo sii qaaday degmada Afgooye.

Meydadkan ay Shabaabka ku wareejinayaan gobolada dalka ayaa ka mid ahaa lix askari oo ku geeriyootay dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho kuwaasoo shalay lagu soo bandhigay deegaanka Maslax ee xaafada Suuqa Xoolaha.

Soo bandhigista meydadkan ayaa waxaa barbar socota iyadoo saraakiisha Shabaab ay dadka gaar ahaan dalinyarada ka dalbadeen inay dagaalka ay kula  jiraan DKMG iyo Amisom ay kasoo qeybgalaan.

=========================

Source:  Raxanreeb.com

Comments

comments

Category : Featured and tagged , .
« »

Comment: