Calendar

Sheekh Aadan Madoobe oo maanta afkiisa ku difaacay Xilka uu ka hayo Baarlamaanka.

shiikhaadanmadobeBatamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta difaacay xilka uu ka hayo

Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta difaacay jiritaanka xilka uu hayo isagoo sheegay in aanau waqtigiisa dhammaanin  kadib markii mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ay sheegeen inuu dhacay waqtigii Gudoonka baarlamaanka.

Shir jaraa’id oo Muqdisho maanta ku qabtay ayuu sheegay Aadan Madoobe in dhammaan Mudanayaasha hadlay uu ku sheegay kuwa Mucaarad ah loogana baahanyahay in ay tagaan Bakaaraha.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xildhibaanada ka hadlaya waqtiga Gudoonka Baarlamanka ay yihiin dhammaan qaran dumis doonaya in Dowlada ay kala tagto.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xilka uu iska dhiibayo haddii ay Dowlada saamayn gaarayso shacabkana ay ku badbaadayaan isagoo balan qaaday in uu ka hortagyo isku dayga xildhibaanada.

Gudoomiyaha waxa uu xusay in kulanka baarlamaanka aanu berri baaqan doonin isagoo iska fogeeyay inuu caqabad ku yahay kalfadhiyada baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay.

Khilaafka ka dhextaagan Baarlamanka soomaaliya ayaa waxa uu salka ku hayaa waqtiga Gudoomiyaha Baarlamanka oo dhammaaday sida ay ku doodayaan Mudanayaasha qaarkood balse waxaa la arki doonaa Berito kulanka la filaayo in uu furmo qaabka uu u dhaco.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: