Calendar

Sheekh Nuur Abkay “Magafe” oo Caawa Muqdisho lagu dilay

DSC05254Bartamaha (Muqdisho):- Kooxo hubaysan ayaa Caawa Bakaaraha ku dilay Sheekh Nuur Abkay oo ka mid ahaa Howlwadeenada Radio Muqdisho.

Kooxo Bistoolado ku hubaysan ayaa caawa dilay Sheekh Nuur Maxamed Abkar oo ay soomaaliya u yaqaaneen Magafe kaasi oo dhawaanahan ahaa mid ka mida Madaxda Warqabadka Radio Muqdisho.

Kooxa dishay allaha u Naxariistee Sheekh Nuur Abkay Magafe ayaa waxa ay ahaayen saddex dhalinyara ah kuwaasi oo isaga cararay goobta ay ku togteen ninkaasi Saxafiga ahaa.

Magafe ayaa ahaa howl wadeen xiligan Idaacada Muqdisho u qaabilsanaa qeybta Wararka Caalamka qoraaladooda isagoo daganaa Bakaaraha oo aanu cidna uga baqan jirin shaqada Idaacadaasi.

Dilka ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee loo gaysto mid ka mida Shaqaalaha Idaacada Radio Muqdisho oo afka kula dagaalanta Islaamiyiinta Dowlada diidan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: