Shil gaari qasara sababay oo maanta ka dhacay Koonfurta Magaalada Jowhar .

Posted on Oct 20 2009 - 5:11pm by News Desk
Tweet
Pin It

shilaljkaBartamaha(Jowhar):-Shilkan gaari oo ay dad badan ku dhaawacmeen ayaa galabta waxa uu ka dhacay Wadada Kongo ee duleedka Degmada Jowlhar ee Gobolka Sh/dhexe.

Illaa 4-ruux ayaa ku dhaawacantay shilka gaari ee maanta ka dhacay wadada Kongo halkaasi oo uu ku rogmaday gaari ka tagay Magaalada Muqdisho.

Gaariga rogmaday ayaa waxa uu ahaa mid Coasterka loo yaqaan kaasi oo socdaalkiisa ku sii wajahnaa Gobolada dhexe iyadoo dhaawacyada la geeyay isbitaalka Jowhar.

Shilkan qasaarada dhaliyay ayaa waxaa loo aaneeyay burburka wadada marta Deegaanka Kongo oo an helin in mudda ah wax dayactir ah taasina ay shilal badan sababtay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.