Calendar

Shirkadda Microsoft oo Ribix Wanaagsan Ka Heshay OS Windows 7

Windows 7Shirkadda weyn ee hogaanka u haysa adeegayda Sofwareka iyo operating systemska lagu maareeyo kumbiyuutarada ee Microsoft ayaa sheegtay in faa’iido badan ay uga soo xarootay os Windows 7 oo ay shirkadi sii daysay sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2009ka.

Shikradu waxay xaqiijisay iney ka heshay adeegaasi aduun dhan 4.52 bn oo doolarka mareykanka ah mudo sadex bilood ah oo u dhaxaysay bialaha April iyo June iyadoo 48% si lamid ah loo gatay sanadkii tagay ee 2009, waxyna shirkadu intaasi raacisay iney iibinta adeeggani uu sare u qaaday ribixi shirkaddu ay ka hesho adeegyada tiknoolajiyadda.

Microsft waxay tilmaantay in 175 Milyan oo ah os Windows 7 ay ansixiyaan shatiyadaeeda tan iyo wakhtigii la sii daaya adeegani sanadkii auynu soo dhaafnay ee 2009.

Dhinaca kale kharashka guud ee ribixa shirkadu ay hesahy ribix gaaraya $16 bn iyadoo sidoo kalan si weyn dhaqaalahaasi wax kamida uga heshay mashiinka wax baariad ee Bing Search iyo iyo gameka lagu ciyaaro ee Xbox.

Ribixa sanadkan ay shirkadda hanatay ayaa waxa uu gaarayaa 18.76 bn, taasi oo 29% ka sareysa 12kkii bilood ee ka horeysan sanad xisaabeedkan ay shirkadu shaacisay.

Peter Klein oo kamida saraakiisha dhinaca maaliyadda ee shirkadda Microsoft ayaa sheegay in kobaca ribixa ay heshay shirkadu inuu ka caawinayo isla markaan niyad galinayo sidii ay horumar iyo sare u kac shirakdu u higsan lahayd, waxaana sidoo kale faaidad ay 12kii bilood ee ugu dambaysay heshay shirkadda Microsft kamid ahaa adeegga barnaamijta office sanadka 2010.

Dhinaca kale shirkadda sameysay cilmi baaris ku aaddan qaab isticmaalka kumbiyuutarad caalamka oo lagu magacabo IDC, ayaa xaqiijisay in 20% uu sare u kac ku yimid iibshashada kumbiyuutarada guryaha iyo xafiisyada la dhigto ee Personal Computerska loo yaqaano.

Cabdiqafaar Shire.

Bartamaha.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Tiknoolajiga.
« »

Comment: