Calendar

Sirdoonka Maraykanka oo xabsiga dhigay dhalinyaro Soomaaliyeed oo shakki laga qaaday.

 

Bartamaha(New York):-Laanta Sirdoonka Dalka Maraykanka CIA ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigtay dhalinyaro Soomaaliyeed oo la sheegay in looga shakiyay ka qeybgalka Dagaalada Soomaaliya.

Illaa 4-dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa la xaqiijiyay in Sirdoonka Maraykanka Ee CIA ay qabsadeen kuwaasi oo aaan la garan halka lagu xeray balse la arkay sirdoonka oo baadi goobaya ka dibna laga soo xigtay sargaal sare in dhalinyaradaasi la xeray.

Wiilasha la xeray ayaa la tilmaamay in qaarkood dhawaan ay Soomaaliya ka soo laabteen kuwaasi oo looga shakiyay in ay ka soo qeybgaleen dagaalada u dhexeeya Islaamiyiinta iyo Dowlada.

Laamaha dimbi barista iyo Sirdoonka Maraykanka ayaa la xaqiijiyay in ay ku mashquulsanyihiin baaritaano culus oo dhalinyarada Soomaalida ah la marsiinayo maadaama horey FBI ay sheegtay in dhalinyaro dhalasho ameerikaan haysta ay ku dhinteen Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: