Calendar

Taageerayaasha Ingriiska oo aad uga xanaaqsan xulkooda iyo taageere gudaha kooxda ugu galay kuna qeyliyay (DAAWO)

rooney mad

Bartamaha — Mid ka mid ah taageerayaasha Ingriiska oo aad uga xanaaqsanaa barbardhicii ay Ingriisku la galeen Aljeeriya ayaa gudaha ugu galay halkii ay joogeen ciyaartoyda xulka Ingriiska markii ay ciyaartu dhamaatay.

Taageerahan oo aad uga xanaaqsanaa sida kooxdiisa qaranku ay u ciyaareen ayaa kula dhacay caradiisa David Beckham isagoo u sheegaya sida foosha xun oo xulka Ingriisku ay u ciyareen. Ninkan oo soo gudbay askarta amaanka oo si xoog ah u ilaalinayay garoonka, ilaa iyo hadana la garan maayo sida uu kusoo dhaafay askarta amaanka.

Kooxda Ingriiska ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay ay ku oriyeen taageerayaashooda oo tusinayay inay aad uga xun yihiin ciyaarxumida ay muujiyeen.

Hoos ka daawo taageerayaasha Ingriiska oo ka hadlay a kharashka ay soo galeen iyo ciyaarxumida kooxdooda.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: