Calendar

Taliye kuxigeenkii Saldhiga booliska degmada Hodan oo saaka Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa saaka ku dilay nawaaxiga Tarabuunka Taliye xigeenkii saldhiga booliska degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Taliye kuxigeenkan oo lagu magacaabayay G/dhexe Shariif Aadan Maxamuud Seefle ayaa waxaa toogtay labo dhalinyaro bastoolado ku hubeysnaa, iyagoo ka qaatay bastoolad uu watay.

Dad ka ag dhowaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in Sarkaalkan uu xabad riday, markii la soo weeraray, hase ahaatee looga hormaray, dabadeedna markii rasaasta haleeshay oo uu dhulka ku dhacay bastooladu uu sitay laga qaatay.

Gudoomiyaha degmada Hodan Cabdi Maxamed Dhabaney oo ay la xiriirtay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkiisa ku jahwareersan yahay dilalka, isla markaana ay wadaan howl galo sidii loo soo qaban lahaa kooxihii dilka geystay.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay dilkan taliye kuxigeenka, hase ahaatee waxaa uu qeyb ka noqonayaa dilalka mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Tiknoolajiga.
« »

Comment: