Calendar

Taliyihii ciidamada Maxkamada Islaamiga Magaalada B/Weyne oo ku biiray kooxda Xizbul Islaam.

baladweeBartamaha(Muqdisho):-Taliyihii Ciidamada Ammaanka Maxkamadaha Islaamiga ah Ee Magaalada B/Weyne Sheekh Ibraahim Yuusuf ayaa isku dhiibay kooxda Xizbul Islaam ee ku sugan galbeedka magaaladaasi.
Sargaalkaasi oo watay ilaa 2-gaari oo nuuca dagaalka ah ayaa xalay gaaray galbeedka Magaalada B/weyne halkaasi oo ay ku xooganaayeen Ciidamada Xoogaga Al-shabaab iyo Xizbul Islaam kuwaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyay halkaasi masuulkaasi ka soo goostay Ciidamadii uu madaxda ka ahaa.

 

Taliyaha Ciidamada Ammaanka Magaalada B/Weyne ee maanta ku biiray Xizbul Islaam ayaa shaaca waxa uu ka qaaday in uu ogaaday dhibaatooyin la doonayo in shacabka Hiiraan la gaarsiiyo iyo Ciidamada Itoobiya oo ku soo fool leh magaaladaasi Balad Weyne.

Sargaalkaasi ayaa waxa uu wacad ku maray in uu la dagaalami doono Ciidamada ku soo wajahan B/weyne isla mar’ahaantaana uu ka bar-bar dagaalamayo xoogaga Xizbul Islaam oo uu maanta u soo galay isagoo ka soo baxsaday B/Weyne.

Sargaalka ahaa Taliyaha Maxkamadaha Islaamiga ah Ee Balad Weyne ayaa waxa uu sheegay in uu jiro khilaaf xagga maamulka iyo wada shaqeynta kaasi oo ka dhexjira madaxda Gobolkaasi ku wada sugan oo ay ka midyihiin maxkamadaha Islaamiga ah iyo Maamulkii dowlada ee hore iyo xildhibaanada xiligan ku soo gaaray halkaasi.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

 

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: