War Saxaafadeed ay soo saareen Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee Asmara jooga

Posted on Oct 6 2009 - 1:54pm by News Desk
Tweet
Pin It

press releaseWar ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya  Asmara ayaa wuxuu si cad u beeninayaa hadalkii  uu shariif Axmed u jeediyay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed oo deggan magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Run ahaantii Isbahaysigu wuxuu la yaaban yahay hadalada ka soo yeeray shariif kuwaas oo ka fog runta ah ee uu ku dhisan yahay Isbahysiga, marka loo eego u jeedooyinkii iyo hadafkii loo aasaasay Isbahaysiga Dib-u xoreynta Soomaaliya.

Runtu waxay ahayd sedan:dhamaadkii bishii Maarso ee sanadkii 2008 ayaa Shariif iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo laga casuumay dalka Kenya, Waxaa casuumay Safiirka Mareykanka u fadhiya Nayroobi, waxaase loo ekeysii oo lagu maldahay in uu casuumay
UN-ku, Shariif wuxuu casuumaadaasi  ku ogolaaday in uu heshiis la galo Cabdilaahi Yuusuf iyo Itoobiya, isla markaasina uu kasoo horjeesto ragii halganka waday, Isbahaysigana  la kala qaybiyo, tixgalina aan la siinin ragii xaq u dirirka ahaa,  waxayna arintaasi dhalisay in isaga iyo wafdigii la socday ay ku kala qaybsamaan  arrimahaas iyagoo weli Nairobi jooga..

Guud ahaan wafdigii isbahaysiga ee ka koobnaaa 8 xubnood ayaa u kala jabay laba qaybood oo kala ahaa 3 xubnood iyo 5 xubnood, Markii dib loogu soo laabtay Xarunta Isbahaysiga Dib-u Xoreynta Soomaliya ee Asmara, warkii oo la qar-qarinayayna baxay,oo wada gaaray xubnihii labada Gole ee  Fulinta iyo Guddida Joogtada ahaa ee markaasi ku sugnaaa xarunta, Qorshihii Shariif waa lagu diiday, waxaana loo arkay in ay ahayd khiyaano shisheeye soo maleegay oo lagu kala qaybinayay ummadda Soomaaliyeed si la isaga hor keeno halgamayaasha dagaalka kula jiray gumaysiga oo dalka xoreynayay iyo siyaasiinta, halkaasna uu ku burburo halgankii dibu xoraynta dalku

Waxaana labadaasi guddi  markii ay falanqeeyeen oo arintaasi u cuntami weyday, waxa loo batay in Shir Golaha Dhexe oo dhan (191 hubnood) si deg-deg ah la isugu yeero, iyadoo loo arkay in ay arrintu ka weyn tahay wax Guddi Hawleedyadu go’aan ka gaari karaan. Hase yeeshe kahor intii aan arrintaa la go’aamin buu Shariif, Guddoomiyhii Isbahaysigu, baxsaday isagoo ku mar-marsooday in uu saddex beri gaarayo Qaahira oo lagu marti-qaaday in uu muxaadarad ka jeediyo Jaamacad.

Hadaba, sidii loo sugayay Shariif soo noqoshadiisa iyo in la isu yeero xubnii Golaha-dhexe ee Isbahaysiga oo dhan ayaa wuxuu shariif ka degay Djibouti oo shir kale ka furay isagoo uu si cad oo bareer ah  u hareer maray dhammaan shuruucdii Isbahaysiga,
Waa wax kama jiraan & qayru masuulnimo warka shariif sheegay in la xiri lahaa ama la dili lahaa  hadii uu ku laaban lahaa xarunta Isbahaysiga ee Asmara. Arintaasi oo ah  mid lagu marin habaabinayo rayul caalamka isla markaasina loola jeedo  in lagu beer laxawsado ‘Wayaaniga’ ee taliska Itoobiya.

Kadib markii uu Shariif baxsaday baa Isbahaysigu ka daba diray xaasaskiisa iyo carrurtiisa oo xiligaasi ku sugnaa magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo aan ciddina wax yeello u gaysan, balse uu isagu ka baxasaday Isbahaysiga iyo dhamaan halgankii guud ee lagu wada jiray ee uu markaasi hormuudka ka ahaa.

Dhanka kale ma jirin wax dowlad shisheeye ah oo arintaasi ku lug lahayd, dowlada Eritrea ee aynu martida u ahayna wax faragalin ah kuma lahayn, balse waxay qadiyad u taalay Soomaalidu dhexdeeda uga ta tashanaysay arimaheeda gaarka ah,  Intii waqtigaasi ka danbeeyey Shariif wuxuu shirar ka wayday Hotelada  dalka Djibouti oo ay ka socotay in beesado lagu qayiyo si is daba joog ah muddo hal sano ku dhow. Lacagtaasi oo ay bixinayeen dalalka reer Galbeedku(Maraykanka iyo Midowga yurub). Ugu danbeyntiina waxaanu maqalnay inuu Shariif noqday madaxweyne.

Xafiiska warfaafinta ee Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya

3/10/2009 Asmara Eritrea