Calendar

WARARKII UGU DAMBEEYEY EE DAGAALKA MUQDISHO

amisomMuqdisho (RBC) Iyadoo uu weli socdo dagaal xoogan oo saaka ciidamada DKMG oo kaashanaya kuwa Amisom iyo ciidamada xarakada Shabaab ku dhexmaray wadada warshadaha ayaa waxaa soo baxaya wrar dheeri ah oo ku saabsan dagaalka.

Ciidamada Burundi oo ka tirsan kuwa Amisom oo efentari ah ayaa saaka ka qeybgalay dagaalka iyagoo ka dhinac dagaalamaya ciidamada DKMG, Waxaana war uu saaka siidaayey wasiirka gaashaandhiga DKMG uu ku shaaciyey in ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom ay qabsadeen fariisimo muhim ah oo ay horey gacanta ugu hayeen xoogaga Shabaabka.

Haddaba wararka ugu dambeeya ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada Amisom ay la wareegeen gacan ku heynta xeradii Guulwadayaasha oo ku taala wadada warshadaha. Waxay sidoo kale saaka ciidamada Amisom qabsadeen xeradii wasaarada gaashandhiga,warshadii hore ee caanaha iyo xeradii Saraakiisha [Shiirkole] oo ka mid ahaa faarisimaha ciidamada Shabaabka.

Dhinaca khasaaraha, waxaa sii kordhaya tirooyinka la kala sheegayo waxayna dhinaca Amisom sheegeen in 13 meyd ah oo Shabaab ay ka carareen ay kasoo qaadeen xerada Guulwadayaasha oo ka mid ah saldhigyada Shabaabka.

Dhinaca gudaha degmada Dayniile ayaa iyana la xaqiijiyey in dhowr meyd ah Shabaabka uga carareen kadib markii xero halkaa u taala ay ku go’doomeen. Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ajaaniib ay ku jiraan meydadkaasi.

Ilo wareedyada waxay intaa ku darayaan in dhinaca Shabaabka ay iyana u suurtagashay inay saaka hore gacanta ku dhigaan dhowr askari oo meyd ah oo ka tirsanaa Amisom kuwaasoo dagaalka bilawgiisii ay horey u qaateen.

Dagaalka ayaa hadda ka socda labo jiho oo kala ah xaafada Dayniile iyo agagaarka warshadii Sigaarka iyo Taraqa. Garonka Stadium Muqdisho ayaa sidoo kale ka mid ah goobaha  dagaalka culus uu ka socdo isla markaana madaafiic culus ay ku garacaayaan ciidamada Amisom.

Waxaana magaalada guud ahaanteed laga maqlayaa madaafiicda duqeymaha ah ee laga ridayo fariisimaha Amisom.

Suuqa Bakaaraha ayaa gebi ahaanba maanta xiran, waxaana aan jirin wax baabuur ah oo tegeysa ama ka imaaneysa. Iyadoo badi ganacsiga saaka uu xirnaa ayaa haddana intii furtay ay dib u xireen kuna kala carareen markii ciidamada Amisom iyo kuwa DKMG ay ku dhawaadeen.

DHINACA KALE: Wararka naga soo gaaraya deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho ayaa ku waramaya in Shabaabka ay soo djoobeen deeganadaasi ciidamo gurmad ah kuwaasoo lagu arkayo KM-13 iyo Ceelasha biyaha, waxaana lagadareemayaa diyaar garow dagaal.

Sidoo kale ciidamada DKMG ee fariisinka ku leh isgoyska Ex-kontorol iyo Xeradii Asluubta ayaa iyaguna heegan galay, waxaana soo baxaysa cabsi hor leh oo laga qabpo in dagaalka ka socda magaalada uu ku fido duleedyada magaalada oo dad badani horay ugu qexeen.

====================

Source: Raxanreeb.com

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta and tagged , , , , .
« »

Comment: