Calendar

Xaalad biyo la’aan oo aad u daran oo kajirta magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya

NairobiBartamaha(Nairobi):-Xaaladani biyo la’aaneed eelaga dareenaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ah mid saamayn aad u balaaran ku yeelatay nolosha dadka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Inta badan dadka ku dhaqan xaafada ay soomaalidu u badantahay ee islii ayaa waxaa lagu arkayaa boqolaal qof oo caagado wata si ay u helaan biyo ay ku kaafiyaan noloshooda,waxaana inta badan dadku ay biyaha u doontaan masaajida iyo goobaha kale ee ay isleeyihiin waxaad ka heli kartaan biyahaasi.

Waxaana qaar badan oo kamid ah dadkaasi ay kuu sheegayaan inay wax biyo ah helin in kabadan laba bilood, waxaana kamid ah xaafada ha ay biya la’aantu aadka u saamayasay kamid ah islii,calafooniya,section three, kamroon,jijirod iyo kuwo kale oo aad u fara badan.

Dhanka kale waxaa iyana ciriiri aad u wayn laga dareemayaa dhanka korontada oo habeen dhaaf loogu daaya xaafadaha kala duwan ee magaalada madaxda wadanka kenya ee Nairobi

Dhawaan ayay ahayd markii xubno katirsan dawlada hoose ee wadanka kenya ay sheegeen inay wax kaqabanayaan biyo la’aata iyo koronto la’aanta kajirta magaalada Nairobi ee xarunta u ah wadankani.

Majiraan ilaa iyo hadda cid si rasmi ah isugu taagtay wax kaqabashada dhaibaatoonka cusub ee la soo darsay dadka ku dhaqan magaalada Nairobi iyagoona dhawr jeer oo hore codsiyo kala duwan u duray maamulayaasha wadankani.

Maxamed Cibaar Diiriye

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Nairobi Kenya

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: