Calendar

Xasan Daahir “Dagaalka socanaya waa mid noo wanaagsan ya la fiirin dhiiga daadanaya…”

APTOPIX SOMALIABartamaha(Muqdisho):-Hogaamiyaha Kooxda awood ahaan sii liidanaysa ee Xizbul Islaam ayaa maanta shaaca ka qaday in dhiiga daadanaya uu guul badan sababay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah sargaalka ugu sareeya Kooxda Xizbul Islaam ayaa maanta shaaca ka qaaday in dhiiga shacabka ka daadanya uu keenay guula balaaran.

Sargaalkan hogaanka ah ayaa waxa uu sheegay in  shacabka dhimanaha iyo dhiiga ka daadanaya ragga uu u yaqaano Mujaahidiinta  oo uu sheegay in ay dhiigooda ku daatay xurnimada dalka.

“Dagaalka hadda socanaya waa mid barakacaysan yaanan fiirin dhiiga daadanaya…..waa midii guusha laagu soo hooyay oo rag badan ay gudka u galeen…” ayuu yiri Xasan Daahir.

Sargaalkan dagaalka Muqdisho ka socda ayaa la xasuustaa in uu masuul ka ahaa waxaana uu xilli badan ku celceliyay in uu lahaa masuuliyada dagaalka lagu jabiyay Dowlada.

Bishii April Sanadii 2009 ayuu muqdisho soo gaaray Xsan Daahir oo dhammadkii 2006 dalka isag cararay waxa uuna dib u bilaabay mucardida shariif sheekh Axmed oo mdaxweyne ka noqday Dowlada Soomaliya balse ay ahayen saaxiiba aan kala dheereen.

Wadaadkan ahaa waxa uu hadda aaminsanyahay islamarkaana maanta uu cadeeyay in dagaalada y yihiin kuwa sii socanaya guulana laga gaaray dhiiga shacabka ka qubanayana aanu ahayn wax sidaa u weyn.

Hogaamiyahan ayaa maanta la hadlayay Odayaal,Culimo taageersan Islaamiyiinta iyo Saraakiil shabaab ah oo kulan ka qeybgalayay muddo saddex maalmood ah kaasi oo ay uga doodayeen hormarka Jihaadka iyo shareecada Islaamk oo lagu dhaqmo.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: