Calendar

Macjmaca Culimada, Ururada Haweenka, isutaga dhalinyarada, iyo xoogaga wadaniyiinta oo maanta warsaxaafadeedyo soo saaray

guddoomiyaha majmaca culimada Sheekh Cabdi Axmed DhicisowBartamaha — Warsaxaafadeedyo ay maanta siyaabo kala duwan uga soo saareen magaalada Muqdisho Majmaca Culimada Soomaaliyeed, ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Xoogaga wadaniyiinta, Golaha isutaga dhalinayrada, iyo golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo iyo aragtidooda ku aadan shirka la sheegay inuu ka dhaci doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasoo ay qaban qaabisay Q/midoobay isla markaana lagu casuumay dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Ahlusunna Waljacaamaca.

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Bakiin ee KM4 ayaa ka hadlay fikirkooda ku aadan shirka Nairobi ee Q/midoobay qaban qaabineyso gaar ahaana wakiilkooda Soomaaliya Dr. Augostine Mahiga waxayna sheegeen in shirkaasi uu yahay shir Qaran dumis ah sida ay hadalka u dhigeen, wuxuuna farta ku fiiqay inay uga digayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan kulankaasi,wuxuuna sheegay in qofkii shirkaas ka qeybgala uu yahay qof dambi ka galay dalka iyo dadka, isagoo warsaxaafadeedkiisana ku taageeray go’aankii ay xukuumada Federaalka KMG ah ku kordhisay mudada halka sano ah.

Dhanka kale, Guddoomiye kuxigeenka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan Cilmi oo iyaduna shir jaraa’id saxaafada ugu qabatay xaruntooda magaalada Muqdisho ayay ku mucaaradeen shirka ka dhacaya magaalada Nairobi waxayna taasi bedelkeeda ka codsatay Q/midoobay inay dhiirigelin, taakuleyn iyo horumarin ku sameeyeen dowladda Federaalka oo ay sheegtay inay isbedelo la taaban karo ka muujiyeen maamulka iyo hanaanka Dowladnimo ee dalka. Sidoo kale, guddoomiyaha xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed Salaad Maxamed Sabriye oo isna warbaahinta la hadlay ayaa taageeray baaqii odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aadanaa in shacabka Soomaaliyeed ay dhigaan isu soo baxaan si ay u muujiyaan sida ay uga xunyihiin faragelinta ay ku hayaan xafiiska siyaasada ee Q/midoobay UNPOS arrimaha Dastuuriga ah ee Soomaaliyeed Guddoomiyaha golaha isutaga dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa isaguna fikirkiisa ku biiriyay waxa ay ka aaminsan yihiin dhalinayrada Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in dhalinayradu ay taageersanyihiin go’aankii ay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Dowladda Federaalkuba ku diideen shirkii dib u heshiisinta, iyagoo balan qaaday inay ka qeyb qaadanayaan banaanbaxyo maalinta khamiista ah lagu wado inay ka dhacaan magaalada Muqdisho kuwaasoo shacabku ku muujin doonaan fikirkooda shirka Nairobi iyo weliba marxaladda dalka.

Shirarakani ayaa daba socda shirkii shalay golaha odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay ku diideen shirka ka dhacaya Nairobi. Maxamed Xuseen Ugaas [email protected]

Comments

comments

Category : Press Release, Wararka Maanta.
« »

Comment: