Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Maanta La Kulmay Golaha Wasiirada

president addressing cabinet(Villa Somalia, Muqdisho, Soomaaliya, April 25, 2010) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan dheer la qaatay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda KMG ah.Kulankan waxa uu daba socdey kulamo uu maalmahaan Madaxweynuhu la lahaa Xildhibaanada, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo masuuliyiinta kale ee Qaranka.

Ujeeddada kulanka maanta iyo kulamadii ka horreeyey waxa ay qayb ka yihiin doomid uu Madaxweynuhu doonayey in uu dhageysto Masuuliyiinta Qaranka iyo weliba dadaal uu ugu jiro habsami u socodka masuuliyadaha DFKM, mideynta aragtida masuuliyiinta dowladda iyo ka hor-marinta danta ummadda danaha siyaaasadda iyo kuwa shakhsiga.

Madaxweynuhu waxa uu ku adkeeyey xubnaha Golaha Wasiirada ee uu maanta la kulmay iyo Xildhibaanadii uu shalay la kulayba, in isku duubni looga bixi karo musuuliyadda-wadareed ee ay xubnaha DFKM xambaarsan yihiin, isaga oo Madaxweynuhu uu aad carrabka ugu adkeeyey in xiisadaha siyaasadda ee hadda jira la dejiyo, khilaaf kastana lagu xaliyo sida ugu mudan, maslaxadda Qarankuna ay ku jirto.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay dhammaan masuuliyiinta uu la kulmay in midnimo, dulqaad iyo naf-hurid looga gudbi karo culaysyada ammaan iyo bini’aadamnimo ee horyaal ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay tahay in juhdiga ugu weyn la geliyo sidii loo xallin lahaa.

Xigasho: Warfaafinta Madaxtooyada

Comments

comments

Category : Press Release, Wararka Maanta.
« »

Comment: