Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu laabtey [SAWIRO]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtey dalka kadib markii uu shir maalin qura socday kaga soo qeyb galey magaladda Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra;isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaga so qeybgalay magaladda Adis Ababa shirka madaxda dowlad goboleedka IGAD halkaas oo looga hadlay qodobo quseeyo SOomaaliya oo ay ku jirto maamul u dhisida gobolada Jubooyinka.

Madaxweynaha ayaa garoonka waxa lagu gudoonsiiyay warqad lagu soo direy adeega Posta-da oo markii ugu horeysay ay dowlada sheegtey iney dib u furtey 22-sano kadib, isagoona madaxweynaha ku amaanay wasaaradda warfaafinta howsha ay hayso.

Comments

comments

Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: