Calendar

Al-Qaacida oo soo saldhigatay Soomaaliya kana soo guurtay Dalkaasi Yaman.

al-qaeda qidadBartamaha(Muqdisho):-Dowladda Somalia ayaa Shaaca ka qaaday in ay ogaatay Saraakiil sar sare oo ka mida Al-Qaacida in ay soo galeen Dalka Soomaaliya iyagoo ka soo guuray Dalka Yaman.

Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka war heshay in Dalka ay soo gaareen Saraakiil ka mida Al-Qaacida kuwaasi oo haatan u soo guuray gudaha Dalka Soomaaliya oo ay dagaalo ka wadaan.

Wasiirka Wasaarada  Lacagta Somalia Ing.C/raxmaan Cumar Yariisow oo la hadlayay Wakaalada Wararka Ee Reuters ayaa sheegay in ay Somaaliya soo galeen saraakiil sare oo Al-Qaacida ka mida.

Wasiirka ayaa cadeeyay in ay gaarayaan Saraakiisha soo gashay dalka illaa 12-Xubnood oo qaarkod ay ka soo guureen Dalka Yaman markii cadaadis xoogan uu koray.

Wasiirkaasi ka tirsan Dowlada Madaxweyne Shariif ayaa walaac ka muujiyay in Al-Qaacida ay ku awoodaystaan Soomaaliya oo uu sheegay in aanay la mid ahayn Afghanistan iyo Ciraaq.

Wasiirka waxa uu ku gaabsaday in ay ogaadeen Imaaanshaha saraakiisha Al-Qaacida balse aanay Dowlada awood buuxda u lahayn in ay dalka ka badbaadiso qatarta Kooxdaasi.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: