read more »">

Calendar

Alshabaab oo gubaysa Cajaladaha Qur’aanka Kariimka uu soo duubay Sheekh C/raxmaan Al-Sudaysi

SudaisBartamaha (Baydhabo):- Sida warar xog-ogaal ah aynu ku helnay Kooxda Shabaab ayaa amartay in la gubo dhammaan Cajaladaha Qur’aanka Kariimka ah ee uu soo duubay Wadaadka Imaamka ka ah Masjidka Xaramka.

Amar ka soo baxay Saraakiisha Alshabaab gaar ahaan Qeybta Dacwada iyo faaf reebka ayaa amar ku bixiyay in aan la dhagaysan dhammaan Khudbadaha iyo Qur’aanka Kariimka ee uu duubay wadaadkaasi.

Shabaabka ayaa waxa ay u aqoonsadeen Sheekh C/raxmaan Al -sudays mid ka mida Wadaadada ay Shabaabka u yaqaanaan “Culumaa’u Suu ” ama Culimada Xun Xun.

Sheekh Sudays ayaa ah Wadaadka Imaamka ka ah Masjidka Xaramka Shariifka ah waxaana uu ka mid yahay Wadaadada Codka macaan marka ay Akhrinayaan Qur’aanka Kariimka wallow shabaab ay diideen dhagaysiga Codkiisa.

Amarka ayaa waxa uu yahay mid ka soo baxay Saraakiisha shabaab oo la soo mariyay  Waaxda Iclaamka iyadoo laga baahiyay amarka Idaacada Shabaabka Ee Baydhabo iyo Idaacada kale ee ku taala Kismaayo.

Waxaa amarkan uu ka mid yahay awaamid la yaab leh oo shabaabka ay mudooyinkan soo saarayeen waxaana Xusid mudan in horay loo diiday dhagaysiga Muxaadarooyinka ay duubeen wadaado ay ka mid yihiin Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil iyo Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: