Calendar

Alshabaab oo maanta mar kale qoday Lafaha wadaada la qadariyo iyo Dowlada oo madaafiic ku weerartay

6070Bartamaha (Muqdisho):- Alshabaab ayaa maanta mar kale qoday qabuuraha ay ku aasan yihiin wadaado caan ah oo Soomaaliya laga qadariyo.

Kooxda Alshabaab ayaa maanta waxa ay mar kale qodeen Qabriyada ay ku aasnaayeen wadaado Caan ka ah Soomaaliya kuwaasi oo dad badan ay qadariyaan iyagoo ka bixiyay qabriyada Lafaha wadaadadaasi.

Qabuuraha maanta ay Alshabaab lafaha kala bexeen ayaa waxaa ka mida Qabrigii Sheekh Aadan Dheere iyo Qarbigii Sheekh Cali Muumin oo labada ku aasnaa Degmada Wardhiigley Muqdisho halkaasi oo ay howlgalka burburinta ah ay maanta ka sameeyeen.

Xiliga qabri duminta ay socotay waxaa Madaxtooyada ka soo dhacay Madaafiic u muuqatay kuwa lagu difaacayo qabuuraha oo ay Dowlada ku riday Alshabaab wallow howsha ay dhamaysteen Saraakiisha Alshabaab iyagoo bixiyay lafaha wadaada aasnaa.

Howlhalka ayaa waxa uu yahay mid ay weli sii wadaa waxaana Xalay ay jajabiyeen Alshabaab qabrigii Sheekh Cali Cabdulle oo ahaa wadaad si weyn looga qadariyo Gobolada Koonfurta Soomaaliyaiyadoo shalay la bixiyay lafaha wadaada kala ah sheekh Muxudiin Celi iyo Sheekh Axmed Xaaji.

Waxaa burisyada iyo Faasaska Alshabaab uu saacadaha soo aadan ku fooraraa qabuuraha ay ku kala aasanyihiin Sheekh Biya-Maalow iyo wadaado kale oo ku aasan deega

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« Next Post »

Comment: