read more »">

Calendar

Alshabaab oo raashin ku shubtay badda Kismaayo.

images (1)Bartamaha (Kismaayo):- Raashin ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa la soo sheegayaa in Alshabaab ay xukun dul dhigeen iyagoo goostay in badda lagu daadiyo.

Kooxda Alshabaab ayaa go’aan cad ka qaadatay raashin fara badan oo ay xukun dul dhigtay dhawaan ka gadaal markii ay baaritaan ku sameeyeen raashinkaasi oo la sheegay in xagga tayada uu ahaa mid aad u liita.

Madaxa Fayadhowrka Maamulka Alshabaab Kismaayo Ciise Max’ed Cali oo saxaafada Maanta kula hadlay Xeebta Magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in ay badda ku daadinayaan raashin ay soo qabteen.

Masuulkan ayaa cadeeyay in raashinka uu yahay mid xagga Caafimaadka halis ku ah islamarkaana ay go’aamiyeen in ay ku shubaan badda oo la raaciyo biyaha maadaama dhibaata badan uu sababi karo raashinkaasi.

Raashinka maanta badda lagu daadiyay ayaa gaarayay 430-Loor oo raashin caadi ah oo isugu jiray Bur,Bariis iyo Sokor oo dhammaan ay Alshabaab ku sheegtay raashinkaasi in uu yahay mid halis caafimaad sababi karaya.

Raashinka maanta ay shabaabka soo bandhigeen ayaa waxaa uu ahaa mid Bakhaarada magaalada ay ka soo saareen iyo qaar ay kala dageen Dooman dhawaan shixnado raashin ah ku dajiyay dakada Kismaayo.

Dhammaan raashinka la soo bandhigay ee gaarayay 430-Loor ayaa lagu daadiyay badda markii la jeexay Jawaanada uu ku xernaa raashinkaasi nuucyada kala duwan ee Quutul Daruuriga lahaa oo Xukunka uu ku dhacay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: