Alshabaab oo sii daysay Wariye Bile Baastey oo muddo afduub ugu haysteen Muqdisho.

Posted on Dec 1 2010 - 10:52am by News Desk
Tweet
Pin It

bile baasteyBartamaha (Muqdisho):- Maleeshiyada Shabaab qeybta Amniga iyo Qeybta qaabilsan Saxaafada ayaa Xalay sii daayay Wariye Bile Maxamed Cali “Bile Baastey” Wakiilkii GOBOLADA.COM Ee Soomaaliya.

Shabaabka  oo saddex Cisho ka hor afduubatay Warire Bile Baastey wakiilkii Gobolada.com xilli uu ku sugnaa Xafiiskiisa Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa la sheegay in baaritaan ka dib ay xalay sii daysay.

Wariye Baastey ayaa habeenkii Axada lagala baxay Xafiiskiisa waxaana guud ahaan la qaatay xiliga la qabanayay Hantidii uu haystay sida Compiutero,Kaamirooyin iyo qalab kale oo ahaa kuwii uu ku shaqeysanayay.

Wariyaha ayaa Ehelkiisa oo aan muddo Laba Cisho ah war ka heynin waxa ay ogaadeen Shalay in lagu haystay Deegaanka Dayniile ee Duleedka Muqdisho oo halis nololeed ay halkaasi ku haysatay markii qalqal iyo Cabsi galin joogta ah ay ku hayeen ragga Amniyaatka loo yaqaano .

Rag ay ku jiraan wariyayaal Caan ah oo Shabaab ah ayaa lala xiriiriyay Xariga Wariyahan Iskiis u shaqeysanayay oo aan wakiilka u ahayn dhinacyada isku haya dalka balse tabin jiray wararka dhexdhexaadka ah.

Wariye Baastey ayaa Xalay Saqdii dhexe waxaa la geeyay gurigiisa oo ku yaalay Deegaanka Ceelasha Biyaha iyadoo Naftiisa loo badbaadiyay waxaana dib loogu celiyay qalabkiisa shaqo oo muddo baaritaan lagu hayay.

Wariye Bile Baastey waa Aabe u shaqeysanayay Caruurtiisa waxaana shaqadiisa ay ahayd tabinta wararka Soomaaliya isagoo wakiil rasmi ah u ahaa Wepsite-ka GOBOLADA.COM oo aan la ogayn sababta dhabta ah ee loo beegsaday wariyahan iyo shaqadiisa.

Xiriir aan la samaynay Wariye Bile Baastay iyo Ehelkiisa ayaa waxa ay ka wada gaabsadeen ka hadlida Xad gudubka cad oo ay shabaabka ku sameeyeen Wariyahan ka shaqeynayay dalka ammaankiisa aan la isku halayn karin Ee Soomaaliya.

Ma aha Xad gudubkii ugu horeeyay ee Wariyayaasha ay u gaystaan Alshabaab waxaana qabashada wariye Baastey ay qeyb ka tahay Xad gudub caada ay ka dhigteen Alshabaab oo wariyayaal badan horey dalka uga eryay markii ay qalqal iyo cabsi galin ay ku sameeyeen.

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected].