read more »">

Calendar

Amisom oo loo kordhiyay waqtiga joogitaanka Soomaaliya

amismoBartamaha (Muqdisho):- Ciidanka Amisom ee ku sugan Muqdisho ayaa helay xilli dheeraad ah ka gadaal markii ay go’aamiyeen Midowga Afrika in ciidankaasi ay sii joogaan Muqdisho.

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobe ayaa isku afgartay in waqtiga joogitaanka Ciidanka Amisom la kordhiyo illaa laga xaqiijiyo tirada Ciidamadaasi iyo soo celinta ammaanka lumay ee dalka Soomaaliya.

Waxaa Muddo kordhintay ku dhawaaqay Sargaal u hadlay dowlada Ugandha oo sheegay in lagu soo wargaliyay waqti kordhinta waxaana uu shaaca ka qaaday in Ciidanka Amisom ay Muqdisho sii joogayaan Illaa September  sanadka soo socda ee 2011.

Sargaalkan ayaa xusay in Ciidanka Amisom la xaqiijin doono illaa ay ka gaaraan tira ahaan 12.000-oo askari si ay nabada soomaaliya wax badan uga badalaan iyadoo hgaatan Ugandha iyo Burundi ay Muqdisho ka joogaan 8.000 oo askari.

Ciidanka Labada Dowlad oo kaliya ka jooga dalka ayaa waxa ay yihiin kuwa sida muuqata ku sii fashilmaya shaqooyinka ay u joogaan dalka wallow ay ka badin la’yihiin sugida ammaanka madaxda dowlada iyo xarumaha muhiimka ah.

Ammaanka Dalka badankiis waxaa haysta Shabaab waxaana haatan dowlada ay tahay mid ku koban xaafada yar oo ka mida caasimada Muqdisho oo xilli walba qatar lagu galiyo iyadoo ay amisom joogto dhulkaasi.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: