read more »">

Calendar

AMISOM oo shaacisay inay hadda kadib sugi doonaan ammaanka shaqaalaha Turkiga

sarakCiidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay sugi doonaan amniga shaqaalaha Turkiga ah ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

Afhayeen ciidamada AMISOM Col.Cali Aadan Xumud ayaa ku tilmaamay in kuwii weeraray safaarada Turkiga ay yihiin arxanlaawayaal aan wax dan ah ka lahayn shacabka Soomaaliyeed.’

“Turkigu waa dal muslim ah oo Soomaalida u soo gurmaday mashaariic kala duwanna ka wada gudaha Soomaaliya oo dalka dib loogu dhisayo” ayuu yiri Col.Cali Aadan Xumud oo ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti islamarkaana ah afhayeenka guud ciidanka AMISOM.

Col.Cali Aadan Xumud ayaa sidoo kale sheegay inay bilaabi doonaan ilaalinta iyo kaxaynta shaqaalaha u dhashay dalka Turkiga ee mashaariicda kala duwan ka wada magaalada Muqdisho.

Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii weerar lagu qaaday safaarada Turkiga lagu dilay hal askari laguna dhaawacay 3 muwaadin oo Turkish ah.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: