Calendar

Ciidamada dawlada oo wali baaritaano ka wada suuqa bakaaraha oo shalay lagu dilay labo askari

Street-of-Bermuda-Village-in-district-of-central-mogdishu-Somalia-ReutersKooxo bastoolado ku hubeysan ayaa shalay ku toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho laba askari oo ka tisran ciidamada canshuuraha (Minishiibiyo) ee dowladda Soomaaliya, iyagoo dilka kaddib goobta ka baxsaday.

Askartan oo ku gudo-jiray howlo ay canshuuro ku qaadayaan ayaa lagu dhex-toogtay suuqa qudaarta ee Bakaaraha, iyadoo aan la ogeyn kooxaha dilka geystay cidda ay ka tirsanaayeen iyo halka ay u baxsadeen.

Ciidamada dawlada ayaa maanta shaaciyay inay wali wadaan baaritaano lagu ogaanayo cida ka dambaysay dilkaasi.

Waxayna sheegeen inaan ilaa iyo haatan aysan jirin cid loo soo qabtay weerarkaasi balse ay ku raad joogaan kooxo laga shakisanyahay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: