Calendar

Augustine Mahiga oo baaq deg deg ah u diray Baarlamanka.

Augustine-MahigaBartamaha (Nairobi):- Wakiilka gaarka ah Ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa soo saaray durbaba baaq deg-deg ah oo ku wajahan Baarlamanka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay  Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kaasi oo uu ku sixiixnaa Augustine Mahiga ayaa waxaa lagu faray Xildhibaanada in ay si degdeg ah u ansixiyaan Xukumada.

War-saxaafadeedka oo amar u muuqanayay ayaa waxaa Wakiilka Augustine Mahiga uu ugu baaqay Xildhibaanada in ay si deg-deg ah u ansixiyaan xukumada maadaama waqti yar uu uga harsan yahay xiligii loo baahnaa in ay shaqa gasho.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa xildhibaanada lagu faray in Kalsoonida Xukumada aanay ku xerin wax shuruud ah maadaama dhibaata badan ay haysato Dowlada loona baahan yahay in shaqo culus ay ka qabato dalka.

Qoraalka deg-degta ah ayaa waxa uu ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobe Ee NBairobi wax yar ka dib markii lagu kala dareeray Kulankii Xildhibaanada Baarlamanka ay codka uga qaadi lahaayeen Xukumada Cusub.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: