Calendar

Axmed walad Cabdalla oo soo dhaweeyay Kala dirista Xukumada Soomaaliya.

walad abdddallaBartamaha(Nairobi):-Wakiilka gaarka ah Xoghayaha guud Ee Qaramada Midoobe arimaha Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweeyay soo afjarida Khilaafaadka Xumuda iyo Baarlamanka ka taagnaa.

Axmed Walad Cabdalla ayaa si diiran u soo dhaweeyay kala dirida Xukumada isagoo sheegay in  loo baahaanyahay in la soo dhiso Dowlad taya leh oo wax badan ka badali karta ammaanka guud ee Dalka.

Axmed Walad Cabdalla ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu soo magacaaabo Ra’iisul Wasaare karti leh oo dalka isbadal ku samayn kara kaasi oo leh xukumad wax waban karta.

Wakiilka Xoghyaha guud qaramada Midoobe ee arimaha soomaaliya ayaa dalbaday in xukumada la tayeeyo isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay in lagu soo daro Sheekh Aadan Madoobe Gudoomiyahii Baarlamanka.

Walad Cabdalla ayaa tilmaamay in Xukumada la dhisaayo ay ahaato mid ay ka midaysanyihiin dhammaan dbhinacyada soomaalida isagoo muujiyay qatarta ka aimaan karta isku dhac kale haddii uu dowlada dhex yimaado.

Hadalka masuulkaasi ayaa yimid markii madaxweynaha uu kala diray Xukumada islamarkaana uu is casilay Aadan Madoobe oo xilkiisa in badan oo xildhibaanada ka mid ah ay isku haysteen.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: