Calendar

Dowlad sidee ah ayaa imaan doonto?

Speaker_PM

La yaab badan ma laha in xukuumada iyo gudoonka baarlamaanka ay wada dhacaan maalin qura iyagoo sababta tahay khilaaf xoogan oo dowlada ka dhex jiray balse si toos ah loo shaacinin.

Madaxweynaha dowlada federalka Shariif Sh. Axmed ayaa saxafada la hadlay ku dhawaaqay inuu xukuumada kala direy, uuna soo magacaabi doono Ra’isal wasaare cusub, waxa sidoo kale ku dhawaqay inuu xilka iskaga tagay gudomiyihii hore ee baarlamaanka Aadan Maxamed Madoobe.

Khilaafka halka uu ka yimid?

Arinka ugu hadal-heenta badan ayaa aheed inuu khilaafka dowlada FKMG uu ka danbeyay wasiirka maaliyada Shariif Xasan Sh. Aadan, taas oo maalintii Axada si cad saxafada ugu eedeyay gudoomiyihii baarlamaanka Aadan Madoobe, dad kale oo badan aya fikirkaas qabo.

Sababta loogu maleynayo inuu khilaafkan u dhaliyay Shariif Xasan ayaa loo malenayaa iney mid tahay –

Isagoo doonayo inuu ka aarguto Aadan Madoobe oo xilka uga danbeyay marki laga qaaday xilka gudoomiyaha baarlamaanka, lana saftay madaxweynihii hore Cabdullahi Yusuf oo Shariif Xasan isku dhaceen.

Tan kale oo dad badan u maleynayaa inay tahay halka ay salka ka qurunsan tahay ayaa ah inuu Sharif Xasan uu doonayo dowlad asiga u wada qorshe uu ku doonayo iney xilalka dowlada wada qabtaan rag isaga ku wada fikir ah fuliyane danihiisa gaarka ayna ku jirto aqbalaada lacagta cusub ee kusoo dabacayo Sudan iyo inuu ka badbaado xisaabaadka baarmalaamka doonayeen iney la sameyaan.

Maxa xigga?

Su’aasha ay dad badan is weedinaya ayaa ah Cidda noqon doonto Ra’isal wasaaraha cusub ee xukuumada iyo Gudoonka ay dooran doonaan Baarlamaanka tirada iyo khilaafka badan.

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa u balan qaaday Aadan Madoobe inuu kamid noqon doono golaha wasaarada ee cusub,balse mugdi ayaa ku jiro in Cumar Cabdi Rashiid in loo soo magacaabo Ra’isal wasaare.

Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa la rajenayaa inuu gudoomiyaha baarlamaanka uu noqdo ama loo doorto qof isaga ku dhaw, si wax badan uga suura galaan baarlamaanka danaha gaarka uu leehyahay.

Xukuumada cusub ayaa la filayaa iney ku jiri doonaan wasiirooyin hore oo ka tirsana TFG Cabdullahi Yuusuf, hadal-heyntaasine waxa kujiro Axmed Cabdsalam iyo shaqsiyaad uu siyaasada ku barbaariyey ama la aragti ah uu kamid Yahay Mustaf Dhuxulow oo hada lataliye Siyasada u ah madaxweynaha.

Halka Shariif Sh. Axmed ayaa ka fikirayo inuu lumiyo shaqsiyaad ay waqti badan ay wada socdeen ayna ku jiraan Cabdiraxmaan CabdiShakur, Cabdriraxmaan Janaqow iyo xubno kale.

Maxamed Cabdinor Mascud
[email protected]

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Maqaallo / Articles, Wararka Maanta.
« »

Comment: