Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta u fadhiisan doonno Mooshinka laga keenay Ra’isul-wasaare Saacid

Posted on Nov 24 2013 - 8:54am by Staff
Tweet
Pin It

baarlamaanka Dowladda Fidraalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta la filayaa in ay u fadhiisteen islamarkaana kulamo ay ka yeeshaan sidii wax looga dhihi lahaa Mooshinkii laga keenay ra’isul-wasaare Saacid.

Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa 168-Xildhibaan, kuwaasi oo aan la dhacsaneyn qaabka xukuumadda Saacid ay ku shaqeyso.

Shalay waxaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo 15-ka Guddi ee joogtada Baarlamaanka, kuwaasi oo ka doodan qaabka ugu haboon ee mooshinka looga doodi karo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maanta Xildhibaanada loo qeybinayo qoraalada mooshinka si ay usoo aqristaan, kadibna looga dodo ayna soo baxdo natiijada dooda.

Xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya iyo midka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq xoog leh oo ku aadan kala jiidashada Xildhibaanada Baarlamaanka iyadoo aysan meesha ka marnayn bixinta dhaqaalo lagu kala jiidanayo Baarlamaanka.

Go’aanka sii joogitaanka iyo ka saarida booska ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa iminka wuxuu horyaala xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama khilaafka madaxda dalka uu cirka isku shareeray laguna xalin waaye Xeer hoosaad iskabadaaye Dastuurka xalkiisa.

Sikastaba magaaladda Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhextaagan guuxa siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dalka ayadoona maanta isha lagu hayo waxa ay Baarlamaanka ka dhihi doonnaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mooshinkii laga keenay