Calendar

Ciil-mooge oo saxiisay hishiis diyaarado loogu sameenayo Soomaaliya…

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Fidraalka Soomaaliya C.llahi Ciilmooge Xersi ayaa faah-faahin ka bixiyay heshiis ku saabsan shirkada Somali Airline oo uu lasoo galay shirkado sameynaya diyaaradaha Somali Airline.

Ciilmooge wuxuu sheegay in dalka Dubai uu kula kulmay masuuliyiinta shirkad Shiinaha laga leeyahay oo muddo sideed Bilood gudahooda ku sameynaysa afar diyaaradood oo ay ku howlgasho diyaarada Somali Airline.

Wuxuu sheegay in amuurtaan ay ugaleen dadaal dheeri ah oo ku aadan dib usoo nooleynta shirkadii Somali Airline ee dalka Soomaaliya oo tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumadii dhexe ee Soomaaliya iyana la waaye.

Ciil-mooge ayaa yiri:“Waxaan Dubai kula kulannay Shirkad mudo 8bilood ah inoogu dhameyneysa sameynta diyaarado ay Soomaaliya leedahay oo gaaraya Afar Diyaaradood,heshiiskaas waan soo kala saxiixanay howsheedana wey bilaabaneysaa dhowaan”

Siakastaba hishiiskaan ayaa waxaa la filayaa hadii uu suura-galo helida afar diyaaradood oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya ayaa arintani waxa ay noqonaysa guul usoo hooyatay dalka Soomaaliya.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: