Calendar

Al-shabaab oo ku baaqay in loo gurmado dadka uu saameeye fatahaada wabiga Shabelle

Al-Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen fatahaada Wabiga Shabeele uu kageystay deegaano ka tirsan Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe iyo dagaal beeleedyada halkaasi ka dhacay.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Shabeelaha dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba-kudukade oo la hadlay warbaahinta Al-Shabaab afkooda ku hadasha waxa uuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga rabo inay isu gurmadaan oo kaalin weyn ay ka qaataan samatabixinta dadka dhibaatooyinka ay soo gaadheen.

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba-kudukade ayaa waxa uu xusay in xilligii Al-Shabaab ay maamuli jireen Jowhar uusan halkaasi ka dhici jirin fatahaada wabiga hadii ay dhacdana ay sameyn jireen dadaalo looga hortagayo dhibaatooyinka uu geysto Wabiga.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay dagaal beeleedyada ka dhacay Gobalkaas, waxaana uu sheegay in Gobalka labo arin ay ka jirto oo ah qabaa’ilo hub la isugu dhiibay oo dagaalamaya iyo fatahaada wabiga.

Sikastaba Fatahaada Wabiga Shabeele ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Shabeelada dhexe ayaa sababtay inay go’doon gasho Magaaladaasi.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: