read more »">
Calendar

Baarlamanka oo maanta ka shiraya Miisaaniyada Xukumada Cusub

barlamaanBartamaha (Muqdisho):- Waxaa maanta kulan qaadanaya Mudanayasha Baarlamanka oo mudooyinkan Kooramkooda la la’aa kuwaasi oo maanta ka doodaya Miisaaniyad ay xukumada Cusub gudbisay.

Miisaaniyad sanadeedka ayaa waxaa maalma ka hor Baarlamanka horgeeyay Xukumada cusub Ee KMG ah taasi oo doonaysa in qalinka loogu aaso si ay u guda gasho shaqooyinka lagu qabanayo quundada miisaaniyada ee sanadan.

Sanadan soo aadan ayaa waxaa dhamaanaya jiritaanka xukumadan cusub ee laba bil dhisan iyo dhammaan dowlada KMG ah ee Jabuuti lagu soo igdhay wallow hadda ay diyaarinayso miisaaniyada ay ku sii howlgali lahayd illaa Bisha August.

Xildhibaanadii qurba joogta ahaa dhawaanahan ee la waayay Kooramkooda ayaa maanta lagu wadaa in ay ka doodaan Miisaaniyada Xukumada Cusub waxaana lagu wadaa in Miisaaniyadan la ansixiyo maadaama dana badan ay xambaarsan tahay.

Wixii ku soo kordha dooda Xildhibaanada maanta kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: